HEADLINES:

Taariikhda Tirsiga sanadka milaadiga Gregorian -Bilaha iyo micnahooda ?

0
Monday January 04, 2016 - 10:24:27 in Articles by Super Admin
  • Visits: 8729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Tirsiga sanadka milaadiga Gregorian -Bilaha iyo micnahooda ?

    Taariikhda miilaadiga ama Gregorian-ka loo yaqaana ee aan hada galnay sanadkiisi 2016aad waa tirsiga taariikheed ee dunida loogu isticmaal badan yahay waxaana dunida carabta iyo islaamkaba looga yaqaana taariikhda miilaadiga madama oo ay ku arooorto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda miilaadiga ama Gregorian-ka loo yaqaana ee aan hada galnay sanadkiisi 2016aad waa tirsiga taariikheed ee dunida loogu isticmaal badan yahay waxaana dunida carabta iyo islaamkaba looga yaqaana taariikhda miilaadiga madama oo ay ku arooorto ama ku tacaluqdo oo laga soo tiriyo xilligi uu dhashay nabi ciise (CS) Waxa sidoo kale loogu yeedha tirsiga Gregorian-ka (Gregorian calendar) ooloogu magac daray pope-kii ama baadirigii la odhan jiray Gregory-gii 13aad (Pope Gregory XIII) oo ugu sareeyay kaniisadi Rome qarnigii 16aad baadarigaasi oo ahaa ninkii suragaliyay in wax ka badal lagu sameeyo tirsigii hore ee la odhan jiray (Julian calendar)

Tirsiga taariikhada miilaadigu waa mid ku salaysan tirsiga qoraxda waxana uu ka kooban yahay (365.2425) maalmood sanadlaha caadiga ah,halka celcelis ahaana sanadka (leap year) la idhaa oo is bad-badalana uu ka kooban yahay 366 malmood,waxaana sanadka miilaadiga ahi uu ka koban yahay 12 bilood
Marxaladihi kala duwana ee u soo maray sanadka miiladigu

A)Tirsi romanigii qadimka ahaa(Roman Calendar)
Boqortooyadii Roman-ku waxay bilawgii hore adeegsan jirtay tirsi sanadle ka kooban 10 bilood waxana markii danbe ay adeegsan jireen tirsi sanadle isku dhaf ahaan ku salaysnaa qorax-dayaxeed ka kooban 355 iyo 12 bilood,maalmaha bishuna waxay ka koobnayeen 29 iyo 30 maalmood, waxaana wakhtigaasi u dajisnaa boqortoyadIi Roman-ka in sanadka xiga sanadka lagu jiro lagu daro 22 ama 23 malmood si (leap year-ku) u noqdo 377 ama 378 maalmood celcelis ahaan
Waxa fikradan wakhtigaas iska lahaa oo hirgaliyay imbaradoorkii/boqorkii (Noma) la odhan jiray ee reer Rome,waxa se tirsigaas boqor noma hirgaliyay wax ka badal ku sameeyay baadariyadii iyo hogaamiyayaashi diinta ee xilliigii danbe, iyagoo ku jaangooyay maalmaha bisha 31 maalmood iyagoo kasoo tiriyay wakhtigii la aasaasay Rome oo ahayd caasimadii imbaradoriyada/boqortooyada sanadkii 753C.H

B)Tirisigii Julian-ka
Wakhtigii ay boqortooyadii Roman-ku ay guumaysteen dalka Masar waxay Roman-kii si wayn uga faaidaysteen dadkii aqoonta lahaa ee reer masar ee sida wayn wax uga yaqaanay cilmiga xiddigiska waxaana Imbiradoorkii /boqorkii la odhan jiray (Julius Caesar) isaga oo kaashanaya caalim sare oo cilmiga xiddigiska yaqaana oo reer masar ahaa kuna noola maagalada Alexandria oo la odhan jiray (susegnio) waxa uu is badal ku sameeyay tirsigii ay hore u  isticmaali jireen, waxaana tirsigiisa cusub ee sanadlaha ah uu ka dhigay 365 maalmood halka sanadka (leap year-ka) la idhaana ee is badalayana uu ka dhigay 366 maalmood, waxaana uu qorsheeyay in 4tii sanaba uu mar is badalo halka maalmahana uu ku saleeyay 30 iyo 31 maalmood marka laga reebo bisha February oo sanadka caadiga ah noqonaysa 29 sanadka (leap year-kana) isku badalaysa 30 maalmood
Waxa sidoo kale Caesar (Qaysar) uu bilaha qaar u bixiyay magaciisa julius caesar bisha 7aad ee( July ) halka bisha siddedaad uu ugu magac daray wiilkiisi ka danbeeyay xukunka ee la odhan jiray augusstus Caesar oo uu ka dhigay bisha 8aad (august)

c) Tirsiga Gregorian-ka ama miilaadiga ee xilligan
tirsiyadii hore ee julianka iyo romanku waxay ku salaysnaayeen oo laga soo tirinayay xilligi la aasaasay caasimadii imbaradooriyada/boqortooyadii Roman-ka ee Rome oo ahayd sanadkii 753kii, laakiin markii lasoo gaadhay qarnigii 6aad baadarigi la odhan jiray Dionysius Aksijunos ayaa wuxu soo bandhigay in taariikhada miilaadiga lagu saleeyo xilligi uu dhashay nabi ciise sanadkaas oo ku beegnayd sanadkii 532kii
Macnaha iyo asalkii hore ee bilaha sanadka miladiga

1. january: waxa asaal ahaan kasoo jeeda magaca ’’ janus’’ oo macne ahaan ah ilaahyadii ay caabudi jireen  romankii hore 

2. February: waxa uu asal ahaan erayga ‘’febra’’ oo macne ahaan ku noqonaya latinka is nadiifin waxana xilligan oo kale roman-kii wakhtiyadii hore ay qabsan jireen xaflado baladhan oo ay isku imadan si ay u nadiifiyaan deeganka ay dagan yihin iyo nafahoodaba

3. March: waxa uu kamid ahaa ilaahyadii ay caabudi jireen roman-ku waxana ay u yaqaanen ilahi dagaalka xilligan oo kalana waxay gali jireen dagaalada

4. April: waxay asal ahaan kasoo jeeda erayga ‘’avril’’ oo macnihiisu yahay Gu’ga ama xilliga barwaaqada xilligan oo kale waxa uu ku beegna xilliga barwaaqada ee roobabku curtaan

5. May: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda ereyga’’Maya’’ oo ah ilaahyadi ay caabudi jireen,waxaana xilligan oo kale khubaradoodi xiddigisku ay cirka ka saadaalin jireen khuraafad ah inay arkayaan ilaha ay caabudaan

6.june: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga"jonious’’ oo macnihiisu yahay latin ahaan dhalinyarnimo, waxaana xilligan oo kale ay qabsan jireen xaflado waawayn oo ay dhalinyarta ugu talo galaan 

7. Julay: waxa loogu magac  daray imbaradoorkii/boqorkii reer roman-ka ee la odhan jiray "julius caesar"

8. Augst: waxa loogu magaca daray imbaradoorkii/boqorkii labaad ee reer roman-ka oo ahaa wiilkii uu dhalay Julius ee la odhan jiray "augustus’’

9: Sebtember: waxa uu kasoo jeeda asal ahaan erayga "septa’’oo looga jeedo macne ahaan number 7 (magacyada numbaradii ee ay isticmaali jireen roman-ki hore)

10: Octobar: waxa uu kasoo jeeda asal ahaan erayga "octa’’ oo looga jeedo macno ahaan number 8 (magacayada numbaradii ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)

11: November: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga ‘’nova’’ oo macne ahaan noqonaya number 9 (magacayada numaradii hore ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)

11: December: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga"deca’’oo macne ahaan u dhigma number 10 (magacyada numbaradii hore ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)
Gabagabo
tirsiga sanadlaha ah ee miilaadiga ee taariikhdiisa aan kor kusoo xusnay waxa si wayn looga isticmaala dunida oo dhan waxaana kamida meelaha hada sida xooga ah looga isticmaalo wadamada islaamka iyo carabta marka laga reebo tiro yar oo kooban oo isticmaasha tirsiga islaamiga ah ee Hijri-ga loo yaqaan 
wadamada carabta badankoodu waxay isticmaalan tirsigan sanadka miilaadiga ah waxa se qaarkood ay badaleen magacyada uu ka kooban yahay sanadku ee iyagana aan kor kusoo sheegnay oo ay ku badasheen magacyo bileed iyagu ay leeyihiin oo macne ahaana ka duwan kuwa aan kor kusoo xusay

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis
Share on Social Media
No Related Items Found

Dhageyso Akhri Surah Al-Nahl #16 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ أَتَىٰ أَمْرُ اللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ[١]يُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ بِالرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ أَنْ أَنذِرُوا أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاتَّقُونِ[٢]خَلَقَ السَّمَاوَاتِ

Dhageyso Akhri Surah Al-Hijr #15 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ وَقُرْآنٍ مُّبِينٍ[١]رُّبَمَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ كَانُوا مُسْلِمِينَ[٢]ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ[٣]وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ[٤]مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ[٥]وَقَالُوا يَا أَيُّهَا الَّذِي نُزِّلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ[٦]لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِالْمَلَائِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ[٧]مَا نُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ إِلَّا

Dhageyso Akhri Surah Ibrahim #14 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ[١]اللَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْكَافِرِينَ مِنْ

Suratu Al-Baqarah Akhris Dhageysi الم[١]ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ[٢]الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ Next surat (#3 - Aal-e-Imran) الم[١]ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ[٢]الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ[٣]وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ وَبِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ[٤]أُولَٰئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ[٥]إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا سَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ[٦]خَتَمَ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَعَلَىٰ سَمْعِهِمْ ۖ وَعَلَىٰ أَبْصَارِهِمْ غِشَاوَةٌ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ[٧]وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ[٨]يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلَّا أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ[٩]فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ اللَّهُ مَرَضًا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُو

Dhageyso Akhri Surah Al-Nahl #16 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ أَتَىٰ أَمْرُ اللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ[١]يُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ بِالرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ أَنْ أَنذِرُوا أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاتَّقُونِ[٢]خَلَقَ السَّمَاوَاتِ Full Article

 

Dhageyso Akhri Surah Al-Hijr #15 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ وَقُرْآنٍ مُّبِينٍ[١]رُّبَمَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ كَانُوا مُسْلِمِينَ[٢]ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ[٣]وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ[٤]مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ[٥]وَقَالُوا يَا أَيُّهَا الَّذِي نُزِّلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ[٦]لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِالْمَلَائِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ[٧]مَا نُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ إِلَّا Full Article

 

Dhageyso Akhri Surah Ibrahim #14 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ[١]اللَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْكَافِرِينَ مِنْ Full Article

 

Dhageyso Akhri Suratu Ar-Rad #13 - Quran Kareem

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ المر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ ۗ وَالَّذِي أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ الْحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ[١]اللَّهُ الَّذِي رَفَعَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ يُفَصِّلُ ا Full Article

 

U.S. Lists Al Qaeda Branch as Foreign Terror Organization

The U.S. on Thursday added a South Asian branch of al Qaeda to its list of foreign terror organizations, and placed sanctions on its leader. Full Article

 

Topnews:-Wasiir Maareeye oo ceeboobay "Tuuganimo lagu qabtay iyo Akoonkiisii"?

Waagacusub.info- Hanti dhowraha guud ee Qaranka Somalia Mr Nur Farah ayaa sheegay inuu Wasiirka Warfaafinta iyo dalxiiska Somalia ku kacay xatooyo xoolo Qaran . Full Article