HEADLINES:

Topnews:-Beesha Galmaax Yoonis oo kalsoonida kala noqotay Madaxweyne Garguurte iyo isagoo aamusnaan Yasmo ugu jawaabay

0
Wednesday December 02, 2015 - 01:44:26 in Articles by Super Admin
  • Visits: 3533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Topnews:-Beesha Galmaax Yoonis oo kalsoonida kala noqotay Madaxweyne Garguurte iyo isagoo aamusnaan Yasmo ugu jawaabay

    Taariikhdu markii ay ku beegnayd 30/11/2015 waxaa guriga Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye, Malaaqa Xamar iyo Xamar daye isugu yimaaday qeeybaha kala duwan ee bulsahada Beelweynta Galmaax Yonis sida Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Culu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhdu markii ay ku beegnayd 30/11/2015 waxaa guriga Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye, Malaaqa Xamar iyo Xamar daye isugu yimaaday qeeybaha kala duwan ee bulsahada Beelweynta Galmaax Yonis sida Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Culuma'udiinka, Haweenka iyo Dhalinyarada, dood dheer iyo wada tashi ka dib waxa ay soo saareen war saxaafadeedka hoos ku qoran.

Iyadoo la tixraacaayo xaaladda cakiran ee uu dalka ku sugan yahay iyo mudada uu xilka madaxtinimo ee Dalka uu ku haayay Md. Xasan Shiikh Maxamuud, MDFS, waxaa la wada ogsoonyahay in hanaanka awood qaybsiga dalka uu ku salaysanyahay hab beeleedka -4.5, sidaa awgeed, sadaxdii sano ee uu xilka haayay Md Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu duudsiyay Beelweynta Galmaax Yoownis Xilal siyaasadeed ee sar sare kuwaasoo uusan u marin hanaan ku salaysan awood qeebsiga dalka isagoo aan Beesha xilakaasi ugu badalin haba yaraatee wax xilal ah . Taa badalkeedana uu si toos ah iyo si dadbanba u siiayay xilalkaasi beeshiisa gaar ahaan jufada uu ka soo jeedo iyo koox diimeedka Damu-Jadiid.

Xilalkaas la duudsiiyay beesha ayaa kala ah;

Safiirkii Dowladda Federaalka u fadhiyay Dalka Talyaaniga, ahaana wakiilkii u qaabilsanaa Midowga Yurub , EX-Prime minister: Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Safiirikii Dalka Kenya, Ambasador Maxamed Cali Ameeriko Qunsulkii Dalka Turkiga, Md Maxamuud Xuseen Maxamed Guddomiyahii G/Banaadir, Ahaana Duqii Magaalada Muqdisho: General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Sidaas darted, waxa ay beelweynta Galmaax Yoonis Qaybaheeda kala duwan halkaan ka cadeeynayaan si buuxdana u go’aansadeen qodobada soo socda

Beesha waxa ay cambaaraynaysaa, kalsoonidiina kala noqotay Md. Xasan Shiikh Maxamuud, una aqoonsanayn Maanta laga bilaabo Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed maadaama uu hogaankiisa uu ku koobay jufadiisa iyo koox diimeedka Dam-Jadiid kuna salaysanyahay Musuq iyo nin jeclaysi aan bad-baado u ehayn umadda Soomaaliyeed, kuna fashilmay guud ahaan hogaaminta Dalka. Waxa ay beesha Cod dheer halkaan kaga cadeeynaysaa in shirkii ka dhacay Muqdisho ee lagu sheegay habka doorashooyinka 2016 ee Dalka, aanan beesha lagu matalin wax wada tashi ahna aan laga gelin, dadkii lagu sheegay in Shabeelaha dhexe iyo Xamar laga keenayna ay ahaayeen shaqsiyaad laga soo aruurshay xeryooyinka qaxootiga iyo xubno lagu badiyay fadhiga kuraasta oo ka mid ah Koox diimeedka Damu-Jadiid Maadaama ay beeshu degto deegaanada ugu balaaran ee Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir, waxaan halkaan ka cadaynaynaa in Mowqif ahaan beeshu ay qabto in hanaanka awood qaybsi ee 2016 ka lagu saleeyo habka DEGMO iyadoo la tixraacayo degmooyinkii jiray 1991 ka hor taasoo noqonayso mid ku dhisan cadaalad iyo muran la’aan. Waxaan ka soo horjeednaa cod xoog lehna ku diideeynaa nidaamka uu Macallin Xasan Shiikh uu dabada ka riixayo ee ah 4.5 kaasoo aan u ragno midka kala geeyay umadda soomaaliyeed ayna ka faa’iideeysanayaan shaqsiyaad fara ku tiris ah oo aan wax deegaan ah ama Degmo ku lahayn carrada Soomaaliyeed hadana ku fadhiya kuraas aysan xaq u lahayn kuna adeegto Macallin Xasan Shiikh iyo Kooxdiisa Damu-Jadiid. Waxa ay beesha ka digaysaa in Macallin. Xasan Shiikh Maxamuud uu ku caburiyo Dadka Soomaaliyeed ee doonayo in ay muujiyaan aragtidooda siyaasadeed waxna ka sheegaan Maamulkiisa aan lahayn jiho wadinayadeed iyo mid horumarineed isagoo adeegsanayo shaqsiyaad oo jufadiisa ah uu gacanta u galiyay awoodii qaran ee Ciidanka amniga si ay isaga danahiisa ugu adeegaan. Ku tagri falka awooda qaran ee Xasan Shiikh waatan hadda keentay in Dagaalo sukeeya ka qarxaan Gobolada dhaxe ee Dalka halka qaar ka mid ah Degmooyinka Shabeelaha Dhaxane ay ka taaganyahiin xaalado gadood dhanka Ciidanka Xooga Dalka. Sida degmada Mahaadaay oo tirsanayaan cadaalad darro. (waxaan ka digaynaa haddii ay sii socoto cadaalad darrada Macallin Xasan Shiikh iyo koox diimeedkiisa Damu-Jadiid kacdoono la mid ah kuwaasi oo ka dhaca Degmooyinka, Cadale, Warshiikh, Balcad iyo magaalada Muqdisho taasina ay sababto in dalku dib ugu noqdo marxaladii 1991 dii, sida hadda ka socoto magaalda Kaalkacyo oo aan aad uga xunahay) Ugu danbayntii, waxa ay beel-weyna Gal-maax Yoonis u sheegayaan hey’adaha dastuuriga ee dalka sida Baarlamaanka iyo beesha Caalamka in Md Xasan Shiikh uu ku ku fashilmay balanqaadkiisii ahaa in xilligii doorashadii 2012 ee ahaa in uu simi doono Faqiirka iyo Taajirka balse ay taasi noqotay caksi ah in Hantidii Qaranka soomaaliyeed ay si Musuq ah u gashay gacmo shaqsiyaad iyo koox diimeedka uu ka mid yahay taasina ay dhalisay soona dadajisay in uu dhumiyay kalsoonida shacabka soomaaliyeed laguna aamini Karin xiligaan wixii ka danbeeya hogaanka umadda Soomaaliyeed

Gunaanad

Waxa aan Alle Weeydiinaysanayanaa Hanuun iyo Toowfiiq

Wabilaahi-Towfiiq

Beel-weynta Galmaax-Yoonis

Malaaqa Xamar iyo Xamar daye

Malaaq Cali Malaaq Maxamed

Share on Social Media

Topnews: Garguurte oo meesha ka saaray rajadii Banaadir - Puntland oo go-aan yaab badan qaadatay - golaha aqalka sare - 54 Xildhibaan ?

Waagacusub.info- Madaxweyne Xasan Garguurte ayaa kulankii saami qeeybsiga aqalka sare ee Odayaasha ku soo deray sheeko ka yaabisay metelayaashii ka qeybgalaayay kadib markii uu sheegay in go-aanku Federalka yahay in min seddex Xildhibaan oo dheeriya la siiyo Maamuladda Beelaha Isaaq iyo Majeerteen ee Puntland iyo Somaliland. Full Article

 

Topnews:- Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in xilka qaadistii Agaasimeyaashii SNTV iyo Radio Muqdisho yahay Amar Madaxweyne iyo dagaal u dhaxeeya Damujadiid iyo Aala Sheekh

Waagacusub.info - Wasiirka Warfaafinta Mohamed Hayir Maareye ayaa sheegay in xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimeyaashii SNTV iyo Radio Muqdisho uu yahay amar ka soo baxay Madaxweyne xasan Garguurte kaas oo salka ku haayo dagaalka u dhaxeeya Damujadiid iyo Aala Sheekh. Full Article

 

Sir Culus - Nickalos kay oo diiday qorshe ay Garguurte-Jawaari iyo Xalweyste ula tageen ?

Waagacusub.info - Ergayga waqtigiisa dhamaaday ee Qaramadda Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Somalia Nickalos Kay ayaa iska diiday inuu aqbalo qorshe ay ula tageen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashid iyo Gudoomiye Jawaari. Full Article

 

Video Fadeexo: Agaasimaha Canshuraha Muqdisho Muxyadiin Jurus oo Facebook lagu faafiyay isagoo naag la raaxeeysanaa

Waagacusub.info - Agaasimaha Canshuuraha Berrigga Dowladda Federalka Somalia Muxudiin Jurus oo loo yaqaan sidoo kale Muxudiin Saabeey ayaa wajahay fadeexad weyn kadib markii baraha Facebook iyo Youtube lagu faafiyay Video muuqaala isagoo la raaxeeysanaa gabadh Muqdisho laga wada yaqaan. Full Article

 

Sheeko qosol badan: Nin qaxooti ku ahaay Talyaniga oo lagu qabtay dagaalkii Galkacyo isagoo Taliye Ciidan ah ?

Waagacusub.info- Nin u dhashay beesha Majeerteen,Cumar Maxamuud ,Reer Mahad oo mudo dheer ku jiray xeryaha Qaxootiga Talyaniga ayaa Galkacyo dib ugu laabtay kadib markii la siiyay magdhaw gaari ku jiiray bartamaha Magaaladda Firenze . Full Article

 

Faarax Topaz oo olole ugu jira inuu Madaxweyne ka noqdo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ?

Waagacusub.info - Faarax Cabduqadir oo beesha uu ka dhashay ee Reer Aw Xasan aysan Somalia ka degin hal tuulo ayaa xusul duub ugu jira inuu Madaxweyne u noqdo beelaha Mudulood,Xawaadle,Gugundhabe,Habargidir iyo Jareerweyne sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyp muhiima. Full Article

 

Dhageyso Akhri Surah Al-Nahl #16 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ أَتَىٰ أَمْرُ اللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ[١]يُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ بِالرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ أَنْ أَنذِرُوا أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاتَّقُونِ[٢]خَلَقَ السَّمَاوَاتِ

Dhageyso Akhri Surah Al-Hijr #15 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ وَقُرْآنٍ مُّبِينٍ[١]رُّبَمَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ كَانُوا مُسْلِمِينَ[٢]ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ[٣]وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ[٤]مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ[٥]وَقَالُوا يَا أَيُّهَا الَّذِي نُزِّلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ[٦]لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِالْمَلَائِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ[٧]مَا نُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ إِلَّا

Dhageyso Akhri Surah Ibrahim #14 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ[١]اللَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْكَافِرِينَ مِنْ

Suratu Al-Baqarah Akhris Dhageysi الم[١]ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ[٢]الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ Next surat (#3 - Aal-e-Imran) الم[١]ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ[٢]الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ[٣]وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ وَبِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ[٤]أُولَٰئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ[٥]إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا سَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ[٦]خَتَمَ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَعَلَىٰ سَمْعِهِمْ ۖ وَعَلَىٰ أَبْصَارِهِمْ غِشَاوَةٌ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ[٧]وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ[٨]يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلَّا أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ[٩]فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ اللَّهُ مَرَضًا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُو

Dhageyso Akhri Surah Al-Nahl #16 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ أَتَىٰ أَمْرُ اللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ[١]يُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ بِالرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ أَنْ أَنذِرُوا أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاتَّقُونِ[٢]خَلَقَ السَّمَاوَاتِ Full Article

 

Dhageyso Akhri Surah Al-Hijr #15 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ وَقُرْآنٍ مُّبِينٍ[١]رُّبَمَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ كَانُوا مُسْلِمِينَ[٢]ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ[٣]وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ[٤]مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ[٥]وَقَالُوا يَا أَيُّهَا الَّذِي نُزِّلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ[٦]لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِالْمَلَائِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ[٧]مَا نُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ إِلَّا Full Article

 

Dhageyso Akhri Surah Ibrahim #14 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ[١]اللَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْكَافِرِينَ مِنْ Full Article

 

Dhageyso Akhri Suratu Ar-Rad #13 - Quran Kareem

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ المر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ ۗ وَالَّذِي أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ الْحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ[١]اللَّهُ الَّذِي رَفَعَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ يُفَصِّلُ ا Full Article

 

U.S. Lists Al Qaeda Branch as Foreign Terror Organization

The U.S. on Thursday added a South Asian branch of al Qaeda to its list of foreign terror organizations, and placed sanctions on its leader. Full Article

 

Topnews:-Wasiir Maareeye oo ceeboobay "Tuuganimo lagu qabtay iyo Akoonkiisii"?

Waagacusub.info- Hanti dhowraha guud ee Qaranka Somalia Mr Nur Farah ayaa sheegay inuu Wasiirka Warfaafinta iyo dalxiiska Somalia ku kacay xatooyo xoolo Qaran . Full Article