HEADLINES:

Sir Culus - Qaraxii Daallo oo Somaliland galay-cadeeyn ?

0
Sunday February 14, 2016 - 08:59:46 in Articles by Super Admin
  • Visits: 22450
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Sir Culus - Qaraxii Daallo oo Somaliland galay-cadeeyn ?

    Baaris madaxbanaan oo Warbaahinta Waagacusub iyo Khubaro Mareykan ah ku sameeyeen qaraxii lala beegsaday Daallo Airlines ayaa shaaca ka qaaday ninka qaraxa geeystay halkii laga soo diray,halkii uu baasaboorka uu watay ka goostay,halka looga soo jaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaris madaxbanaan oo Warbaahinta Waagacusub iyo Khubaro Mareykan ah ku sameeyeen qaraxii lala beegsaday Daallo Airlines ayaa shaaca ka qaaday ninka qaraxa geeystay halkii laga soo diray,halkii uu baasaboorka uu watay ka goostay,halka looga soo jaray Ticket-ka uu watay,dalalkii ugu qornaa inuu booqdo,cidda u keentay Laptop-kii qaraxa ku rakibnaa,kursiga uu diyaaradda qasab ku fariistay iyo sida garoonka lagu soo geliyay.

Xogtaan waxeey kugu ridi doontaa la yaab iyo fajac haddii aad si degan u akhrisatid.

Ninka diyaaradda Daallo isku qarxiyay ee Abdullahi Abdulsalam Boreh wuxuu baasaboorka uu watay ka soo goostay Magaaladda Hargeysa ,wuxuuna ku goostay Online sida uu Waagacusub u sheegay Sarkaal ka tirsan khubaradda Mareykanka ee baarista  weerarkii Daallo waday maalmahii la soo dhaafay.

Sarkaalkaan ka tirsan khubaradaas lagu magacaabo JIT wuxuu dhinaca kale sheegay in Ticket-kiisa laga soo gooyay Dalka Angola gaar ahaan Magaaladda Luanda.

Ticket-ka waxaa Mr Abdullahi Borleh ugu qornaay inuu Transite ku yahay Turkey kadibna uga gudbi doono India gaar ahaan Magaaladda Mumbai ,isagoo ugu dambeyn ku laaban doono Angola.

Waxaan daawaday Kaamirooyinka ku xiran garoonka Muqdisho ,maxaanse arkay ?

Laba maalin oo kala duwan ayaa Laptop-ka qaraxa ku xiran gudaha Garoonka la soo geliyay.

Muuqaalka koowaad waxaa ka soo dhex muuqda Xasan Caato iyo Cabdiweli oo ka soo galay garoonka dhinaca Jaadka laga dejiyo kadibna waxeey fariisteen Maqaayad ku taal marka la soo dhaafo meesha Jaadka,waxaa xilligaas siday Lapto-ka ninkii la qarxiyay ee Xasan Caato oo u dhashay beesha Sheekhaal.

Xasan Caato iyo Cabdiweli waxeey u soo gudbeen maqaayad ku taal gudaha garoonka gaar ahaan dhinaca laga dhoofo ,waxaa halkaas fadhiyay ninka isku qarxiyay diyaaradda ee Abdullahi Boreh oo qabay koofi kadibna Xasan Caato ayaa miiska u saaray Laptop-kii qaraxa ku jiray isagana wuxuu ku ritay boorso uu watay.

Markii ay cabaar shaaheen kadib ayaa lagu wargeliyay iney baaqatay diyaaraddii ay sugayeen ee qaraxa loo diyaarshay taas oo aheyd Turkish Airlines. 

Maalintaas markii ay xaqiiqsadeen iney diyaaradda baaqatay Waa kala tegeen maalintii labaad ayaa leeysku soo laabtay,

Muuqaalka Kaamiradda ku xiran garoonka ee CCTV waxaan ka dhex arkay Xasan Caato oo Laptop-kii siday kadibna wuxuu marsiiyay Scan-ka lagu baaraayay.

Nin Boliis ah oo Ciro leh ayaa taagnaa meesha baarista ka socotay,sidoo kale Askariga Amisom wuxuu ku ciyaaraayay Game telefoonkiisa gacanta. ,wuxuuna ka mid ahaay Saraakiishii amaanka u xilsaarneed.

Xasan Caato wuxuu si dhib yar ku qaatay Laptop-kii qaraxa ku rakibnaa maxaa yeelay ninka Turkiga ee  fadhiyay Scan-ka maba aqoon Scan-ka umana laheyn tababar sida lagu ogaado haddii Laptop-ka wax ku rakiban yihiin.

Computer-ka,telefoonka,saacadda iyo wax walba oo digital ah haddii ay wax ku xiran yihiin ama wax ka qaldan yihiin wuxuu Scan-ka soo saarayaa Calaamad Yellow ah {Jaalle} ,markii Laptop-kaan la gelshayna waa sheegyay oo wuxuu shiday Calaamad Jaalle ah laakiin ninka Turkiga maba qabin wax tababara oo ma fahmin.

Xasan Caato Maqaayadda VIP ayuu fariistay,waxaa ag fadhiyay Xildhibaano aan ka aqoonsaday haweeneey lagu magacaabo Fadumo oo beesha Isaaq u dhalatay iyo Xildhibaan la yiraa Dahir loo Beesha Xawaadle u dhashay .

Xasan Caato {Nice Shirt} Ninkii shaatiga qurxoon watay wuxuu noqday kaligiis markii dadkii dhoofayay baxeen laakiin laba daqiiqo qiyaastii kadib  waxaa u yimid Cabdiweli. kadibna waa la  kaxeeyay oo Abdullahi Borleh  oo qeybta kale fadhiya ayaa loo geeyay .

Mr Abdullahi Borleh waxaa waday Cabdiweli,wuxuuna geeyay albaabka diyaaradda Daallo Airlines .

Mr Abdullahi Abdulsalam Boreh  wiuxuu fariistay kursiga 16 F kadibna waxaa dul istaagay ninkii kursigaas sharciyan lahaay ee Ticket-ka ugu qornaay,,wuxuuna ku dhahay  "kursigaan anigaa ku qoran ee iiga kac”

Abdullahi Boreh waa diiday inuu ka kaco kursiga kadibna ninkii ma ag fariisan ,waana iskaga tagyay iyadoo labada kursi ee ku dhegan ay banaan yihiin.

 Mr Abdullahi Borleh wuxuu kursigaas u doortay inuu isku aadiyo dariishadda maxaa yeelay sanadkii 1986 diyaaradda la yiraa TWA ee Mareykanka laga leeyahay ,isla kursigaas 16 F qof fariistay ayaa  qarxiyay laakiin xilligaas seddex qof ayaa ka baxday,

Daallo Airlines markii uu qarxiyay seddex qof kama faniinin maxaa yeelay kaligiis ayuu meesha fadhiyay oo labada kursi ee kale qofna ma fadhin,waxaana daaqadda ka baxay isaga oo kaliya. 

Mr Abdullahi Boreh waa degdegay ,wuxuuna qaraxa fuliyay markii diyaaradda hawadda gashay toban kun oo fiid { 10.000 feet} laakiin wuxuu qorshahu ahaay inuu qaraxa taabto marka diyaaradda hawadda gasho soddon kun oo fiid {30,000 Feet}

Haddii Abdullahi Boreh qaraxiisa taaban lahaay markeey diyaaradda gasho hawadda 30.000 feet ,waxaa hubaal aheyd inuusan qofna diyaaradda ka badbaadi laheyn maxaa yeelay waxeey gashay hawo sare oo aysan suurtagal noqon karin iney si sahlan u soo degto.

Baarista socotay waxaa lagu xaqiijiyay qofka uu yahay Mr Abdullahi Boreh iyo in laga soo diray Hargeysa ,si uu Turkish Airlines u qarxiyo.

Markii ay soo shaac baxday in weerarkii Daallo fashilmay waxaa gorgortan iyo wada hadal u furmay  Saraakiil ka tirsan Maamulka Somaliland iyo Al-Shabaab waxaana leeysku mari waayay qorshe la rabay iney Al-Shabaab ku sheegato iney laheyd masuuliyadda qaraxa lala beegsaday Daallo Airlines.

Saraakiisha AL-Shabaab waxeey iska diideen iney qaraxaas sheegtaan laakiin ugu dambeyn waxaa arrinta fara geliyay ganacsato ku xiran Argagixisadda Al-Shabaab iyo Maamulka Somaliland iyadoo ugu dambeeyntii lagu qanciyay iney sheegtaan ,iyadoo maamulka Somaliland ay bixiyeen lacag dhan hal Milyan oo dollarka Mareykanka ah.sida ay xaqiijiyeen ila wareedyo kala duwan oo ka tirsan Somaliland iyo Al-Shabaab.

Laptop-ka qaraxa yaa keenay ? Yaase u dhiibay Xasan Caato.

Laptop-ka qaraxa waxaa farsameeyntiisa gacan weyn ka geeystay Sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray Al-Shabaab kaas oo mudo ku xirnaay Xabsiga Muqdisho balse lagu sii daayay Cafis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bixiyay kadib markii uu damiintay ganacsade lagu magacaabo Joorje Colow oo la sheegay inuu hadda xiran yahay.

Laptop-ka waxaa lagu farsameeyay guri uu leeyahay Ganacsade u dhashay beesha Sheekhaal oo lagu magacaabo Cabdikariim Seenyo kaas oo mudo dheer lala xiriirin jiray inuu hoowlaha qaraxyadda iyo dilalka u fuliyo Maamulka Somaliland isagoo dhinaca kalena lagu eedeeyay inuu Somalia ka dhisay argagixisadda Daacish.

Wiil dekadda Muqdisho jooga inta badan oo lagu magacaabo Mustaf Harqaanle uuna adeer u yahay Cabdikariim Seenyo ayaa Laptop-ka soo qaaday,wuxuuna gacanta u geliyay Xasan Caato oo horey u fulin jiray qaraxyadda,weeraradda iyo hoowlgalo horey loo fuliyay.

Xasan Caato oo hadda tilmaamtiisu tahay Mr Nice Shirt wuxuu ka soo shaqeeyay shan Hotel oo la qarxiyay kuwaas oo afar ka mida ay kala yihiin:

1- Sahafi Hotel

2-Jazeera Hotel

3-SYL Hotel

4- Central Hotel

Sidoo kale Xasan Caato waxeey ila wareedyo sheegayaan  inuu ka shaqeeyay maqaayaddii la weeraray ee Beach Sea food laakiin weli ma helin cadeeyn ama xaqiijin aan ku kalsoonaan karo.

Xasan Caato waxeey israaceen Cabdiweli oo ahaay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA ,waxaa laga codsaday Mr Caato inuu darawal ka noqdo gaarigii Korneyl Cabdiweli oo miino lagu rakibay kadibna waxeey tageen Degmadda Wadajir ee gobolka Banadir.

Korneyl Cabdiweli ayaa baabuurkiisii isaga degay,sidoo kale wuxuu ka dejiyay wiil uu dhalay oo la socday,wuxuu saaxiibkiis Xasan Caato ku yiri " Dukaanka ayaan wax ka soo iibsanayaa,wiilkana xaafadda ayaan u dirayaa ee gaarigga ku sii dhex jir,kadibna Remote ayuu u taabtay oo Xasan Caato gaarigii ayaa lagu qarxiyay,wuxuuna ku dhintay halkaas.

Korneyl Cabdiweli oo u dhashay beesha Abgaal Cismaan gaar ahaan Wacbuudhan Celi Cumar wuxuu ku dhashay Magaaladda Garowe,wuxuuna ku koray Magaaladda Hargeysa.waxeey hooyadii ka soo jeedaa qabiilka Majeerteen .

Ninka la qarxiyay ee Xasan Caato wuxuu u dhashay Sheekhaal,wuxuu ku dhashay Hargeysa,waxeeyna hooyadii ka soo jeedaa qabiilka Isaaq.

Warbixintaan waa xog Sirdoon mana lahan inta badan xigashooyin tilmaaman laakiin dhawaan waxeey soo shaac bixi doontaa iyadoo heer Caalamiya.

Fiiro gaara: Waxaan faafin doonaa muuqaalkii garoonka,Baasaboorka iyo Ticket-ka ninkii isku qarxiyay Daallo ,marka Khubaradda JIT baarista soo gaba gabeeyaan maalmo gudahood.

By Dahir Alasow.

Editor-in-Chief

Waagacusub Media

Share on Social Media

Topnews:-Somaliland oo aqoonsi ku raadineyso qaraxyadda Muqdisho ?

Waagacusub.info- Sirdoonka Dowladda Federalka Somalia ayaa sheegay iney sanado badan kadib ogaadeen in qaraxyadda iyo dilalka Muqdisho laga soo abaabulo Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee Waqooyigga Somalia. Full Article

 

Topnews:-Dowladda Somalia oo mamnuucday duulimaadyadii Somaliland ?

Waagacusub.info - Amar uu soo saaray Agaasimaha Laanta Socdaalka Somalia ayaa lagu mamnuucay iney diyaaradaha duulimaadyadda gudaha Somalia ka sameeyo tegi karaan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera laga bilaabo 22 February 2016. Full Article

 

Topnews:-Daallo Airlines oo hawadda Somalia ku qaraxday - Sir Culus

Waagacusub.info- Diyaaradda Daallo Airlines ayuu qarax xoogan gilgilay waxyar kadib markii ay ka duushay Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo goobjoogayaalna arkeen qof ka duulay diyaaradda oo la rumeeysan yahay inuu is qarxiyay. Full Article

 

Sir Culus Haweeney Dhulbahante ah oo Damujadiid qandaraas uga qaadatay burburinta Maqaayadii The Village ?

Waagacusub.info - Hadal heynta ugu badan Muqdisho waxeey noqotay Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo Damujadiid qandaraas uga qaadatay iney burburiso Maqaayadda The Village ee ku taal gurigga hooyooyinka Muqdisho. Full Article

 

Qabiiladda labadii nin ee fuliyay qaraxii lagu dilay Ex Wariye Hindiya Xaaji

Waagacusub.info - Wariyaha weyn Cabdi Casiis Afrika ayaa barnaamij qurux badan ka sameeyay qaraxii lagu dilay Ex Wariye Hindiya Xaaji. Full Article

 

Sir Culus - Nickalos kay oo diiday qorshe ay Garguurte-Jawaari iyo Xalweyste ula tageen ?

Waagacusub.info - Ergayga waqtigiisa dhamaaday ee Qaramadda Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Somalia Nickalos Kay ayaa iska diiday inuu aqbalo qorshe ay ula tageen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashid iyo Gudoomiye Jawaari. Full Article

 

Sir Culus: Ninkii gaariga qaraxa ugu xiray Gabadhii Wariyaha aheyd oo la qabtay.

Waagacusub.info - Ciidamadda sida gaarkaa u tababaran ee Gaashaan ayaa gacanta ku dhigay ninkii dilay Ex Wariye Hinda Haji Mohamed oo ka tirsaneed Wariyeyaasha SNTV Iyo Radio Muqdisho. Full Article

 

Sir culus : Al-Shabaab oo weeraro la damacsan Muqdisho -bartilmaameedyo.

Ila wareedyo muhiima ayaa Waagacusub u sheegay iney Argagixisada Al-Shabaab qorsheeynayaan weeraro halis badan oo ay ku bartilmaameedsanayaan Xarumo gaara. Full Article

 

Sir culus: Qiyaanadii ka dambeeysay Riwaayadii dhiiga ku daatay ee Gaas iyo Guled jileen oo la ogaaday ?

Waagacusub.info - Maalmo colaado dhiig ku daatay ka dhaceen Mudug kadib ayaa la ogaanayaa in dagaaladda dhacaayay oo dhan ay ku dhisnaayeen Riwaayad siyaasadeed ay si wadajira u jilayeen Cabdiweli Gaas iyo Cabdikariim Xuseen Guled oo horey ugu heshiiyay. Full Article

 

Sir Culus Maalqabeeno Sheekhaal u dhashay oo Somalia ka abuuraya Daacish.

Waagacusub.info - Ganacsato horey u maalgelin jiray argagixisadda Alqaacida oo lagu kala magacaabo Cabdi Kariim Osman Seenyo iyo Mustafe Osman Harqaanle ayaa la xaqiijiyay iney Somalia ka abuurayaan dagaalyahano taabacsan argagixisada Daacish ee xasuuqa baahsan ka wada dalalka Ciraq iyo Syria. Full Article

 

Dhageyso Akhri Surah Al-Nahl #16 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ أَتَىٰ أَمْرُ اللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ[١]يُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ بِالرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ أَنْ أَنذِرُوا أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاتَّقُونِ[٢]خَلَقَ السَّمَاوَاتِ

Dhageyso Akhri Surah Al-Hijr #15 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ وَقُرْآنٍ مُّبِينٍ[١]رُّبَمَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ كَانُوا مُسْلِمِينَ[٢]ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ[٣]وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ[٤]مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ[٥]وَقَالُوا يَا أَيُّهَا الَّذِي نُزِّلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ[٦]لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِالْمَلَائِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ[٧]مَا نُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ إِلَّا

Dhageyso Akhri Surah Ibrahim #14 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ[١]اللَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْكَافِرِينَ مِنْ

Suratu Al-Baqarah Akhris Dhageysi الم[١]ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ[٢]الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ Next surat (#3 - Aal-e-Imran) الم[١]ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ[٢]الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ[٣]وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ وَبِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ[٤]أُولَٰئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ[٥]إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا سَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ[٦]خَتَمَ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَعَلَىٰ سَمْعِهِمْ ۖ وَعَلَىٰ أَبْصَارِهِمْ غِشَاوَةٌ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ[٧]وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ[٨]يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلَّا أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ[٩]فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ اللَّهُ مَرَضًا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُو

Dhageyso Akhri Surah Al-Nahl #16 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ أَتَىٰ أَمْرُ اللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ[١]يُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ بِالرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ أَنْ أَنذِرُوا أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاتَّقُونِ[٢]خَلَقَ السَّمَاوَاتِ Full Article

 

Dhageyso Akhri Surah Al-Hijr #15 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ وَقُرْآنٍ مُّبِينٍ[١]رُّبَمَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ كَانُوا مُسْلِمِينَ[٢]ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ[٣]وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ[٤]مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ[٥]وَقَالُوا يَا أَيُّهَا الَّذِي نُزِّلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ[٦]لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِالْمَلَائِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ[٧]مَا نُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ إِلَّا Full Article

 

Dhageyso Akhri Surah Ibrahim #14 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ[١]اللَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْكَافِرِينَ مِنْ Full Article

 

Dhageyso Akhri Suratu Ar-Rad #13 - Quran Kareem

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ المر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ ۗ وَالَّذِي أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ الْحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ[١]اللَّهُ الَّذِي رَفَعَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ يُفَصِّلُ ا Full Article

 

U.S. Lists Al Qaeda Branch as Foreign Terror Organization

The U.S. on Thursday added a South Asian branch of al Qaeda to its list of foreign terror organizations, and placed sanctions on its leader. Full Article

 

Topnews:-Wasiir Maareeye oo ceeboobay "Tuuganimo lagu qabtay iyo Akoonkiisii"?

Waagacusub.info- Hanti dhowraha guud ee Qaranka Somalia Mr Nur Farah ayaa sheegay inuu Wasiirka Warfaafinta iyo dalxiiska Somalia ku kacay xatooyo xoolo Qaran . Full Article